“Dumarkiyo carruurtiyo middii dadab ka soo jeedda
Daba dhawga geeliyo midkii daylo celinaaya
Dukaanlaha wax iibshiyo midkii dad u xamaalaaya
Diktoorkiyo fannaankiyo haddaan darawal soo qaato
Dibjirkiyo nin liitiyo nimay dani waxyeelaysay
Dillaalkiyo mallaalkiyo midkii duunyo raranaaya
Sida dawlada loo maamulaa debec u sheegtaane
Digrii baa kuwada qaadateen dookh siyaasada e
……………………….” Abwaan Kayd M Cabdalla
Siyaasadda oo maanta noqotay shayga ugu hadal haynta badan ee gudaha Somaliland, ayaan kala lahayn dad u khibrad iyo takhasus gaar ah u leh iyo mid kaleba, halka kuwii khibrada iyo tacliinta u lahaa ee muddada badan waxbarashada iyo dedaalka ku bixiyey aanay si firfircoon uga qayb qaadan siyaasadda iyo arimaheeda.
Tanina waxay bulshadii ka dhigtay in ay indhahoodu eegaan oo keliya xisbiyadda iyo kuraasta loo tartamaayo, isla markaana ka hadlaan oo inta badan wakhtigooda geliyaan arintaas. Waddamada horumarka ka gaadhey dhinac kasta oo arimaha bulshada khuseeya intooda badan ma tix geliyaan dareen iyo muhiimadna ma siiyaan siyaasada iyo ololaha doorashooyinka midna. Tusaale “ Afar meelood marka loo qaybiyo bulshadda bulshada ku dhaqan dalka Maraykanku aqoon umalaha xisbiyadda ka jira dalkooda, isla markaana kama qayb qaataan olole iyo doorasho midna, sidoo kale in badan oo kamid ahiba aqoon umalaha madaxweynaha u taliya, halka qaar badanina ku baraarugaan uun xilyada madaxweynayaashu isbedelayaan”. Laakiin ayaandarida maanta haysta Bulshadeena ayaa ka dhigtay in fikiradoodii iyo maskaxdoodii oo dhami noqoto siyaasada, taas oo waxa ugu weyn ee ugu wacanina tahay Xisbiyada iyo ururada siyaasadda ee ku dhisan reeraha iyo qabiiladda.
“Uf qabiilka anaa leh
wuxuunbaa ku adeegta
nin iskii kartidiisa
isagoon cid ku tiirsan
isku taagi kareynin
una haysta ateero
ayaantuu dambi geystana
laga hoos galo eeda
-Ayid waad is xigtaaniyo
idinkaa isku reer iyo
aqligii lixdankii
maanta iib geli maayo
-sidaan aaminsanahayna
abkuu doono ha sheegtee
wuxuunbaa ehel ii ah
dadka kaan af aqaano
ee si wax iila arkaaya
ee ina midayso ujeedo
-waxaan laysku ogeyn
ninkii hoos ka unkaama
aftideyda ma haystoo
ansax maaha wixiisu”
…………….. Abwaan Gaariye 1993-Hargeysa (Ergo)
Waa erayo iyo tuducyo kamid ahaa Maansadii Ergo ee Abwaan Maxamed Xaashi dhamac gaariye, Rabi godka ha u nuuree, oo si dhab ah inoo dareensiinaysa Qabyaaladda iyo xumaanteeda, eryada abwaanka waxaan ku soo hal qabsaday qormadii tan ka horeysay ee aan u bixiyey “Xisbiyada kudhisan reeruhu waa furaha qaran kudhisan Qabyaaladda”.
Hadaba aynu mid mid u dul istaago labada eray ee Siyaasadda iyo siyaasiga, oo mid kasta ay eegno sida loo isticmaalo marka lajoogo wadamada caalamka horumaray, isla markaana aynu isbarbar dhig ku samayno, Siyaasada gudaha Soomalida ka jirta ama tan Somaliland ee reeraha iyo qabiilada ku dhisan.
Siyaasad: Waa Maxay Siyaasadu? Siyaasadu waa xirfad, hab isticmaalka xirfada siyaasadu waa mid ay ku kala duwanayihiin guud ahaan wadamada caalamku. Waana nidaam maamul oo ay leeyihiin isla markaana isku maamulan koox ama bulsho meel ku dhaqani.
Siyaasiyiinta caalamku waxay leeyihiin qodobo iyo xeerar xadida hab siyaasadeedkooda waana kuwo ay kudhaqmaan, siyaasigii meel mara ama ka talaabsada xeerarkaasina waxaa la mariyaa hab ciqaabeedka u yaal siyaasiyiinta caalamka, isla markaana waxa lugu tilmaama in uu jebiyey xeer ama qodob.
Qeexitaanadda kala duwan ee siyaasada ayaa dal kasta oo caalamka ku yaal midba si u isticmaalaa, laakiin waa mid hal u jeedo oo keliya leh taas oo ah “Maamulid bulsho iyadda oo lugu jihaynaayo ama lugu jeedinaayo hormarka dalka”, waana mida keliya ee lugu dejiyo xeerarka iyo qawaaniinta ama qodobada lugu kala hago bulsho ama dad meel ku dhaqan, iyadoo la amraayo qodobo halka laga xadidaayo ama laga reebaayo ku dhaqanka qodobo kale oo aan horumar lugu gaadhahayn.
Siyaasaddu waa hab qorsheed lugu xaliyo khilaafaadka, waana mishiinka keliya ee lugu dhaqaajo hormarka bulsho meel ku dhaqan.
Hadaba su’aasha isweydiinta lihi waxay tahay, Siyaasadda gudaha Somaliland ka jirtaa ma tahay sida ta caalamka kale ka jirta?, Runtii jawaabtu waa maya, Siyaasaddu waa salaanka ama jaranjarta wadan ku gaadho horumar, Laakiin gudaha Somalilaland siyaasadda ka jirtaa waa mid lugu gaadho ama laga dhaxlo Xisbiyo reero leeyihiin oo aan loo dhamayn, isla markaana dib u dhaca iyo horumar la’aan ka dhex dhalisa bulshada, sida reer kastaa iskaga eegayo indhaha reer kale ee diinta, dalka iyo abtirsiintuba ka dhaxayso, taasna waxa ugu wacan siyaasiyiinta maanta oo ah qabiil kalkaal miidhan…………… Lasoco qaybta 3aad
Wabilaahi tawfiiq
Suxufi, Qoraa madax banaan
Mr.Hamse Bashe (Wiyeer-yare)
E-mail: Xamse18@gmail.com
Hargeysa-Somaliland