Bullo-xaar: Booliiska Oo Qabtay QAAD Laga Keenay Dalka Yemen

Bullo-xaar (Dhamays) – Ciidammada Booliiska ayaa Xalay Gacanta ku dhigay Dooni Qaad ka soo qaadday Dalka Yemen isla-markaana si Kootarabaan ah uga dejinaysay Xeebta Degmada Bullo-Xaar ee Gobolka Saaxil.

Taliska Ciidammada Booliiska ee Gobolka Saaxil oo Maanta Hawl-galka ay ku soo qabteen Qaadka Doonidu sidday iyo Gaadiidkii la doonayey in Qaadkaa Dalka lagu soo geliyo, ayaa sheegay inay Saqdii-dhexe ee habeen hore Hawl-gal u tageen Xeebta Bullo-xaar, halkaana kula kulmeen Rag Badan oo sugaya Qaadka Dooniddu soo wadday, markii Doontu soo gaadhayna ay dejiyeen Qaadkii.

Taliyaha Qaybta Booliiska ee Gobolka Saaxil Gaashaanle Cabdi Cawaale (Qushi) oo Arrintan ka hadlay ayaa yidhi “Saddexdii iyo badhkii habeennimo waxaanu ku qabanay laba Gaadhi iyo Rag illlaa 30 ah ayaanu ugu tagnay, markii aanu illaa 15 Daqiiqo joognay ayaa waxa yimid Laash Qaad sida, Laashkii waanu soo hagnay, wuu isa soo taagay, Nimankii baanu ka soo roga Qaadka, Laba Nin oo reer Yemen ah iyo Nin Soomaali ah oo la socday waanu soo qabanay iyo Labadii Gaadhi ee Jaadka meesha ku sugayey si u kootarabaaniyaan.”

Maamulaha Kastama Berbera oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in hadda ka dib Doontii lagu qabto iyadoo Somaliland si kootarabaan ah u soo gelinaysa Alaabooyin lala wareegi doono isla-markaana tallaabo laga qaadi doono Dadka wata.

Maamuluhu wuxuu amaanay Ciidammada Booliska ee Hawl-galkan fuliyey.


Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal