Boqorka Sucuudiga Oo Wiil Uu Dhalay U Magacaabay Wasiirka Macdanta

Riyaad (Dhamays) – Boqorka Dalka Sucuudiga ayaa Wasiir cusub u Magacaabay Wasaaradda Macdanta ee dalkaasi, ka dib markii uu Xilkii ka qaaday Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi.

Boqor Salmaan ayaa Wasiirka Wasaaradda Macdanta ee Sucuudiga u Magacaabay Wiilkiisa Amiir Abdulaziz bin Salman, kaasi oo sida la sheegay ka mid ah Dadka xilligan ugu awoodda badan Boqortooyada Sucuudiga.

Abdulaziz bin Salman ayaa xilka Wasaaradda Macdanta kala wareegaya Khalid Al Falih oo hore xilka Wasaaraddaasi muddo dheer hayey, balse uu Boqor Salmaan xilka ka qaaday toddobaadkan.

Warkan ayaa waxa Axadda Maanta baahisay Wakaaladda Wararka ee Boqortooyada Sucuudiga ee Magaceeda loo soo gaabiyo SPA, taasi oo soo xiganaysa Digreetadii ka soo baxday Boqortooyada Sucuudiga.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.