Booliiska Oo Ka Hadlay Xadhigga Eedaysanayaal Dhaawacay Muwaadin Ra’yigiisa Cabbiray Iyo Ugaas Burco Laga Soo Qabtay

Hargeysa (Dhamays) – Taliska Booliiska Somaliland, ayaa ka hadlay Xadhigga Ugaas Cabdiraxmaan Diiriye oo dhawaan laga soo qabtay Magaalada Burco, isla-markaana Xarunta Xuquuqal iinsaanka ee HRC sheegtay inaan weli Maxkamad la hor-geynin.

Afhayeenka Ciidanka booliska Faysal Xiis oo la hadlay Warbaahinta Maanta, ayaa sheegay in Ugaaska Xarunta Xuquuqal iinsaanku sheegtay inaan weli Maxkamad la hor-geynin la horgeeyay isla-markaana aanay Booliisku Cidna iska haysan karin wax ka badan 48 Saacadood.

“Arintaasi waa arin waxba kama jiraan ah, ninkaasi (Ugaaska) wuu xidhan yahay, Maxkamaddana waalla hor-geeyay, Xeer illaalinta waa la hor-geeyey, kiiskiisana waa la qaadayaa oo waxa gacanta ku haysay xeer ilaalinta iyo Maxkamadda” ayuu yidhi Afhayeenka Boolisku, waxaanu intaa ku daray, “Boolisku wax-ba ma haysan karaan. Boolisku marka uu xidhnaado 48 saacadood waxay xaq u leeyihiin inay Maxakamadda hor-geeyaan oo ay xeer illaalinta gor-geeyaan.”

muniir-cali-iyo-ugaas-diiriye

Afhayeenka Booliisku waxa kale oo ka hadlay Xadhigga Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan Xisbiga WADDANI iyo Weriye lagu Magacaabo Cali Mahdi Jibriil Xasan, kuwaasi oo loo haysto inay dhaawacyo gaadhsiiyeen Muwaadin Magaciisu yahay Jaamac Cilmi Jiir, ““Waxa Ninmankaa Weriyeyaasha ahi dambi ayay galeen si wada jir ah ayey labadaa Nin dhaawac ugu geysteen Nin la yidhaahdo Jaamac Jiir, kiiskoodiina gacanta ayaa lagu hayaa oo Maxkamadda iyo xeer illaalinta ayuu yaalaa, wixii ka soo baxana dib ayaa laga soo sheegayaa” ayuu yidhi, Afhayeenka Booliiska Somaliland, ahna Taliyaha Ciidammada Ilaalada Waddooyinka Faysal Xiis.

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal