Booliiska Oo Hoggaamiyaha WADDANI Ka Hor Istaagay Cisbitaalka Caynaba Oo Uu Dawooyin U Siday + VIDEO

Caynaba (Dhamays) – Ciidammada Booliiska, ayaa Maanta Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ka hor is-taagay Cisbitaalka Guud ee Magaalada Caynaba, oo uu doonayey inuu Gaadhsiiyo Deeq Dawooyin Caafimaad ah, Biyo iyo Raashin, maaddaama oo ay halkaa ku jiraan Dad uu soo ritay Cudurka Shuban-biyoodka oo ka dillaacay Gobollada bariga Somaliland.

Xirsi, ayaa Ciidammo Booliis ah oo Cisbitaalka ku sugnaa ku war-geliyeen inay Amar ku qabaan in aanu u gudbin Gudaha Cisbitaalka, sidaa darteed uu la noqdo Dawooyinka, Raashinka iyo Biyaha uu doonayey inuu gaadhsiiyo bukaanka Jiifa Cisbitaalkaasi.

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal