Booliiska Oo Gacanta Ku Dhigay Dad Argagixiso-nimo Looga Shakiyey

Hargeysa (Dhamays) – Ciidammada Booliiska Somaliland ayaa Maanta ku Shaaciyey in la qab-qabtay Tiro Dad ah, kuwaasi oo looga shakiyey inay qorshaynayeen Falal khatar ku ah Amniga guud ee Somaliland.

Taliyaha Ciidammada Nabadgalyada Waddooyinka, ahna Afhayeenka Ciidammada Booliiska Gaashaanle Sare Faysal Xiis Jaamac oo ka hadlayey Shir-jaraa’id oo ay fadhiyeen Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenka Booliiska Somaliland, ayaa faahfaahiyey Dad la qabtay, kuwaasi oo uu sheegay in baadhitaan lagu wado.

Afhayeenka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Ciidamada Booliiska Somaliland oo had iyo jeer heegan ugu jira ilaalinta Amniga Dalku, waxay galeen Hawl-gal aad iyo aad u badan iyaga oo kaashanaya Ciidammada Amniga ee ay Gacan-saarka dhow la leeyihiin, waxaana hawl-galladaa lagu soo qabtay Tiro Dad ah oo maleegayey Falal khatar ku ah Nabadgalyada guud ee Dalka iyo Shacabka Somaliland”

Halkan Hoose Ka Daawo Shirka Jaraa’id ee Booliiska oo dhamaystiran

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal