Berbera: Hal Qof Oo Badda Ku Dhintay Iyo 3 Kale Oo La Soo Bedbaadiyey

Berbera (Dhamays) – Hal Qof oo Dhallinyaro ah ayaa ku Geeriyooday, 3 kalena waa laga soo bedbaadiyey Badda, ka dib markii ay Maanta u dabbaal-tageen Xeebta Batalaale ee Magaalada Berbera.

Wiil Dhallinyaro, ayaa Badda ku Dhintay ka dib markii isaga iyo 3 Dhallinyaro ah oo la socday ay fuuleen Laash bilaa Mishiin ah, ka dibna uu bad-weynta la tagay.

Wiilka dhintay ayaa la sheegay In markii Laashku la tagay Bad-weynta uu Cabsaday isla-markaana uu Laashka iska tuuray, sidaana Baddu ku liqday, halka 3-dii kale ee la socday ay soo bedbaadiyeen Ciidammada illaalada Xeebaha iyo Dhallinyaro loo tababbaray in bedbaadiyaan Dadka Baddu liqdo, sida uu sheegay Badhasaabka Gobolka Saaxil.

Saddexda Dhallinyarada ee mid dhintay, ayaa markii hore ka tagay Magaalada Hargeysa, si ay Badda ugu soo dabbaashaan Maalmaha Fasaxa ee Ciidda lagu jiro.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal