Badhasaabkii Gobolka Hawd Oo Xilkii Iska Casilay Iyo Wuxu Ku Sababeeyay

Hargeysa (Dhamays) – Guddoomiyihii Gobolka Hawd Ibraahim X Cali Xasan ayaa Maanta xilkii iska casilay, isla markaana iscasilaadiisa ku sababeeyey durruufo badan oo maamul oo ku xeeran isaga iyo Madaxweynihii xilkan u magacaabay iyo waliba cabasho uga timid dadweynaha ka soo kala jeeda gobolkii uu u dhashay iyo gobolkan uu maamulayey.

Ibraahim oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu ugu horreyn uu ku dhawaaqay iscasilaada uu kaga tegayo xilka Guddoomiyaha Gobolka Hawd oo uu muddo soo hayey, isaga oo faahfaahin ka bixiyey sababaha keenay, waxaanu yidhi  “Runtii, waxaan doonayaa inaan ku dhawaaqo in aan iska casilo xilkii Guddoomiyaha Gobolka Hawd, iyadoo ay jiraan culeys igaga imanaya deegaanka aan soo jeedo iyo deegaanka aan guddoomiyaha u ahay, oo ay labaduba cabasho badan tirsanayaan oo aan isku dayey in aan wax ka xaliyo, oo wax ka sii dara mooyee aanay jirin wax ka soo kordhaa”.

Guddoomiyuhu waxa uu intaasi ku daray inuu dalku haatan ku jiro durruufo maamul oo cakiran, waxaanu yidhi “Runtii, waxaan goostay go’aankan iyadoo ay jiraan durruufo maamul oo cakiran oo uu dalku hadda uu ku jiro, anigoo muddo dheer oo ku siman saddex sano iyo badh ka fikirayey in aan iscasilo, balse waxaan xeerinayey oo aan tixgalinay Madaxweynaha xilka ii magacaabay oo sharaf iga mudan oo ah Nin daacad ah oo soo shaqeeyay oo ah nin waxqabad”.

Sidoo kale, Guddoomiyihii hore ee gobolka Hawd waxa uu farta ku fiiqay durruufo uu ku sheegay inay la deris yihiin Madaxweynaha “Waxaad moodaa durruufo kale oo isaga laftiisa (Madaxweynaha) iyo maamulkiisa ku xeeran oo iyana dhanka kale u shaqaynaya ayaad moodaa inay igu sii kalifeen in aanan xilkii sii haynin, maadaama oo aanu sharraxnayn, oo muddo xileedkiisiina uu dhammaaday oo uu saxeexay maalintii doorashadu dhacaysay, hawshiina ay ka dhammaatay ayaa waxaan goostay inay tixgelintiina ka dhammaatay, sidaasi awgeedna, hadda waxaan tixgelinayaa bulshada Gobolka aan ka soo jeedo iyo kuwa aan xilka u hayo oo aanan xammili Karin culeyska ay igu hayaan”.

Ugu dambeyntiina, waxa uu u mahadnaqay Madaxweynaha, Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda iyo Bulshada Gobolka Hawd “Waxaan u mahadnaqayaa Madaxweynaha JSL iyo Bulshada ku dhaqan Gobolka Hawd “Aniga oo ahaa Guddoomiyihii Gobolka Hawd ee uu ii magacaabay Madaxweynihii JSL Md Axmed Maxamed Silaanyo, waxaan uga mahadnaqayaa magacaabistii uu xilkan ii magacaabay iyo muddadii aanu kusoo wada shaqaynay shaqo wanaagsan oo nadiif iyo daacadnimo uu dalka ugu shaqaynayey, iyo waliba masuuliyiintii kale ee nadiifta ahaa ee aanu xukuumadda kuwada jirnay iyo waliba bulshada Gobolka Hawd gudo iyo dibed ba sidii sharafta lahayd ee ay iila shaqeeyeen ee aan anigu ugu hagar baxay, waxaanan rejaynayaa inta aan noolahay ee aan siyaasadda ku jiro in wada shaqayntayadii ay halkaasi ka sii soco”, Ayuu yidhi Badhasaabkii hore ee Gobolka Hawd Ibraahim X Cali Xasan.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal