Badhasaabka Togdheer Oo Xilkii U kala Wareejiyay C/Sataar Sabri, Isuduwihii hore ee W/Warfaafinta Iyo Siciid Saleebaan Isuduwaha Cusub

SICIID SALEEBAAN NUUR Wariye ka mid ah Wasaarada Warfaafinta oo loo Dallac-siiyay isu Duwaha Wasaaradaasi ee Gobolka Togdheer
Burco (Dhamays)- Md, Xamse Maxamed Cabdi, Gudoomiyaha Gobolka Togdheer ayaa xilkii u kala wareejiyay C/sataar C/laahi Cali (Sabri) Isuduwihii hore ee warfaafinta Gobolkaasi Iyo Siciid Saleebaan Nuur Isu Duwaha Cusub.

 

Wariye siciid Saleebaan oo ka mida wariyayaasha mudada dheer kasoo shaqaynayay wasaarada warfaafinta isla markaana uga soo warrami jiray magaalada burco ayaa wasiirka warfaafinta ee Somaliland u magacaabay. xilkan xafiiska isuduwaha warfaafinta ee gobolka Togdheer ayaa waxa hore usii hayay  Wariye C/Sataar Cabdilaahi Cali (Sabri) oo ahaa masuul hawl kar ah islamarkaana mudo dheer ku soo jiray hawlaha warbaahinta, gaar ahaan shaqaalaha Telefeshinka Qaranka SLNTV  ee Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

 

Gesta kale wariye Siciid saleebaan Nuur oo loo magacaabay Isuduwaha W/warfaafinta ee Gobolka Togdheer ayaa ka mid ah, dhalinyarada Shaqo wanaaga ku sifoobay ee aadka loo ixtiraamo, isla markaana bahda warbaahinta ee gobolkaasi Odaynimo iyo kartiba ku amaanaan waxaana la rajaynayaa inuu dadargelin ku Sameeyo xafiiska iyo shaqada wasaaradaasi ee gobolka togdheer iyo Magaalada Burco.

G.Gobolka Togdheer Ayaa Xilkii U Kala Wareejiyey Isu-duwihii Hore Iyo Isu-duwaha Cusub Ee Wasaarada Warfaafinta Ee Gobolkaas

G.Gobolka Togdheer Ayaa Xilkii U Kala Wareejiyey Isu-duwihii Hore Iyo Isu-duwaha Cusub Ee Wasaarada Warfaafinta Ee Gobolkaas

Posted by SAHAN TV on Saturday, April 4, 2020

 

Open chat
soo dhawoow walaal