Badhasaabka Togdheer Oo Sheegay In Gurigiisa Lagu Weerarray

Burco (Dhamays) – Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa sheegay in Gurigiisa lagu soo weerraray.

Guddoomiyaha oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Burco, ayaa in la hayo qaar ka mid ah Dadkii soo weerarray isla-markaana ay sharciga horkeeni doonaan.

Ramaax oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Maaha markii ugu horreysay ee la i weerarro, Ciddii na weerrartayna qaarkood Gacanta ayaanu ku haynaa, waxaanuna horkeeni doonaa Sharciga.”

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu Xisbiyada Siyaasadda Somaliland uga digay inay Ololeyaal sameeyaan inta lagu jiro Kaadh-qaybintu.

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal