Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Si Adag Uga Hadlay Saldhiga Milatari ee Imaaraadka Carabtu Doonayo Inuu Berbera Ka Samaysto Iyo Doorashada Dhaw, Xili Abaareedkan

Hargaysa (DMG)-   Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa  ka dayriyay cawaaqibka xun ee ay Somaliland ka dhaxli karto haddii ay ogolaato in imaaraadka carabtu saldhi milateri ka samaysto Berebra, isagoo  soo jeediyay in wada tashi xagga arrimaha milateriga ah lagala yeesho khabiiradda xagga arrimaha ciidamadda.

Waxaanu sheegay in loo baahan in arrintaasi looga baahan yahay in ay tafsiir ka bixiyaan saraakiisha aqoonta u leh arrimaha ciidanka, si loo ogaado faa’iidooyinka iyo dhibaatadda uu dalka iyo dadkaba u keeni karro.

Sidoo kale-na ay tallaabadaasi  abuuri karto colaad Somaliland kaga timaadda wadamadda jaarka la ah, isla markaana  ay noqonayso in dawladaasi ay difaacdo Somaliland, iyadoo aanay jirin dawlad  kale oo ay Somaliland heshiis difaac la gashay. Axmed Yuusuf Yaasiin, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaaladda Hargaysa waxa uu  sharaxaad ka bixiyay  sida ay lagama maar-maanka u tahay in fiirro gaar ah loo yeesho nooca uu noqon karro  iyo waxyaabaha uu qaban karro saldhiga milateri ee la sheegay in imaaraadku ka samaysanayo Berbera.

 

Isagoo arrimahaasi ka hadlayay-na waxa uu yidhi “Waxaa haboonayd in ay tafsiir ka bixiyaan arrinka saldhiga ciidamadda ee imaaraadku ka samaysanayo Berbera, nimankii saraakiisha   ciidamadda soo ahaan jiray ee generaaladda ah, oo iyaga ayaa u dhuun-daloolee ay arrinkaasi aad u sii faah-faahinaaya.

 

Laakiin aniga aragtidayda  kooban ayaan doonayaa  arrintaasi in aan wax ka idhaahdo. Horta saldhig muxuu yahay? Marka koowaad  Saldhig ciidan waxa weeyi  marka ay dawlad, dawlad kale ka doonto meel ay degto oo ay ka duusho,  oo ay dawlad kale kaga duulayso.

 

Waa meel  hubka ay dawladi haysato ku kaydsan karto,  waana meel ay  hubkoodda   ku tijaabin karaan, sidoo kale waa meel laga fulin karro hawl-galadda ciidan, waxa kale oo ay noqon kartaa meel ciidankoodda ay ku abaabuli karaan, si ay  ugu diyaar garoobi karaan dagaal.  Saldhig ciidan waxyaabaha looga baahan yahay, waa arrimahaas”.

 

Geesta kale  Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu ka hadlay faa’iidadda iyo khasaaraha uu  Somaliland u keeni karro haddii imaaraadka loo ogolaado in saldhig milateri ay Berbera ka samaystaan. “Maxaa ka iman karra khasaare iyo faa’iido saldhigaasi,  marka koowaad wax buu yeelayaa degaanka laga sameeyay, haddii ay tahay  mid bulsho, mid diimeed iyo mid dhaqan.

 

Sidoo kale haddii muddo dheer laga kireeyay, waxaa iman karra dhibaato xagga degaanka ah, iyadoo lagu samayn karro qashin-qub hubka iyo waxyaabihii ka soo hadha, maadaama oo aanay Somaliland ahayd dawlad weyn  oo iska ilaalin karta arrimahaasi.

 

Saldhigaasi ciidan meesha laga bixiyay madaxweynuhu heshiikeedda ma geli karro. Ta kale  shaciga wdankagu ma qaban karro ciidankaasi, waana khasaareyaasha uu leeyahay.Waxa kale oo iman karra colaad wadamadda jiiraankaaga ah kaaga iman karta” ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.

 

Madaxweyne  ku xigeenkii hore  ee Somaliland , waxa kale oo  uu sheegay in  haddii imaaraadka laga kireeyo saldhiga Berbera in looga baahan yahay in ay marka hore Somaliland  aqoonsadaan, isla markaana ay difaaci karaan Somaliland haddii ay dhibaato kaga timaado wadamadda jaarka la ah ama quwadaha kale ee caalamka.

 

Haddii  kale ay   taa bedelkeeda noqonayso in ay bixiyaan dhaqaale badan, tababar ciidanka Somaliland ah sidii xiligii  dawladii  midawga Soofiyeeti   sanadihii todobaatanaadkii markii ay saldhiga ciidan ka samaysteen Berbera.

 

Axmed Yuusuf Yaasiin, oo arrintaasi ka hadlayay waxa  uu yidhi “Cidda aynu meesha ka kiraynaynaa waa in ay noqotaa cid ina ictiraafta, waayo imaaraadku waa dawlad dhaqaale xoogan dalkeena gelin karta, xag maaliyadeed, xag ciidan, iyo xagga tababarkaba.

 

Haddii aan tusaale u soo qaato markii ay dawladii midawga Soofiyeeti sanadihii todobaatanaadkii ka samaysteen Berbera,  waxay sanadkiina bixin jireen lacag gaadhayso $40, milyan  oo  dollar. Tababar ciidan iyo saanad milateri ayay bixin jireen.

 

Markaa haddii berigaa midawga Soofiyeeti uu bixin jiray $40 milyan oo dollar imika waa in uu kordhaa, oo waa in aanu  $140 milyan ka yaraanin.  Waa in uu ahaadaa wadan ku difaaci karra,  ilayn dagaal ayuu u diyaar garoobaye”.

Dhinaca kale Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu tilmaamay dhibaatadda laga filan karro in saldhigaasi ciidan uu haddii la bixiyo Somaliland  uu ku keeni karro ee kaga iman karra dawladaha la jaarka ah sida Ethiopia, Yemen iyo Jabuuti oo uu sheegay in xidhiidho kala duwan oo dhaqaale iyo siyaasadeed-ba ay wadaagaan Somaliland.

 

Ugu Danbayn, waxa  uu xusay in   marka ay dawladda imaaraadku soo degaan Berbera in uu Somaliland u ku bilaabmi doono dagaal hor leh, iyadoo aanu jirin dawlad xoog leh ama quwad kale oo Somaliland ay heshiis difaac kual jirto, hadii-ba la soo weerarro.

 

Isagoo arrintaafaah-faahin ka bixinayay-na waxa uu yidhi “Maalinta ay khaliijku soo degaan Berbera, Somaliland ha ogaato dagaal waa koow oo wuu ku bilaabmayaa, markaa taa maxaa Somaliland uga meel yaalla. Waayo imaaraadku wuxuu dagaal kula kula jiraa  Yeman oo uu dagaal ka socday muddo laba sanadood iyo dheeraad ah.

 

Xagga difaaca Badda iyo xagga dhulkaba waxaa la gudboon Somaliland in ay u diyaar garoowdo,  waxaana loo baahan yahay in arrintaasi ay Somaliland ka digtoonaato.  Waayo ma jirto quwad  ina difaacaysaa,  oo inaga difaacaya  haddii duulaan dalal kale inaga yimaado. Haamihii kaydka shiidaalku waxay yaalaan Berbera, dekadeenii waa cidla.

 

Yeman-na waxa inoo dhexeeyaa waa Bad ah 70KM. Markaa  Somaliland waa in ay ka digtoonaataa waxa ku imanaya,  waxaana cadaatay in dawladu inoo soo waariday dagaal aynaan qaadi akraynin”.

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal