Author Archives: Dhamays News

Daawo: Wasiirka Beeraha Oo Ka Jawaabay Hadallo Guddoomiyaha WADDANI Kaga Hadlay Saami-qaybsiga Golaha Wakiillada Ee Reer Awdal

Hargeysa (Dhamays) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Muumin Seed ayaa Maanta si adag uga jawaabay hadallo ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan-Cirro, kuwaasi oo uu kaga hadlay in Xukuumadda Madaxweyne Biixi aanay u joojinayn Shacabka reer Awdal. Wasiir Seed oo Xafiiskiisa Shir-jaraa’id ku qabtay Maanta ayaa yidhi “Cabdiraxmaan 12 Sanadood ayuu Golaha ...

Read More »

Cabdillaahi Fadal, Waa Hoggaamiye Ciidan Ee Abwaankii Weynaa & Abwaannada Yaryari Maxay Arkeen ?

Bulshada Somaliland guud ahaan inta badan didmo iyo Cuqdad ayay muujiyaan markay arkaan Askari dirays xidhann guud ahaan, balse Cuqdadaas iyo Didmadaas waxay ka dhaxleen gumaadkii iyo Cadaadiskii Ciidammadii keli-taliyihii Siyaad Barre, haddaba Anigoo ah muwaadin inta badan ka hadla daryeelka Ciidammada Dalkeena qaybahooda kala duwan, waxaan leeyahay Bulshada Somaliland qaybaheeda kala duwan ee dhismaha Waddanka Xog-ogaalka u ah, gaar ...

Read More »

Tahriibayaal Afrikaan Ah Oo Ku Dhintay Badda U Dhaxaysa Liibiya Iyo Talyaaniga

Liibiya (Dhamays) –  Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay rumaysan tahay in 270 muhaajiriin ay ku qaraqmeen badda Mediterranean-ka maalmihii u dambeeyay. Diyaarad ay leeyihiin ciidamada badda Taliyaaniga ayaa soo gaadhay goobta ay masiibaddu ka dhacday ee biyaha Liibiya. Doon ka samaysan caag ayaa sii quusaysay markii ay diyaaraddaasi goobta soo gaadhay. Shaqaalihii saarnaa diyaaradda ayaa waxaa u suuragashay in ...

Read More »

Dayax-madoobaad La Saadaaliyey Inuu Berri Dhacayo Iyo Meelaha Laga Arki Doono

USA (Dhamays) – Cirbixiyeenada ayaa soo uruurinaya macluumaadka dayax madoobaad la sheegay in uu dhacayo, kaas oo ay dadka qaar sheegayaan in uu la mid yahay kii bishii July dhacay oo loo bixiyay “Bil-dhiig”. Dayax-madoobaadku waxaa si fiican looga arki karaa waqooyiga iyo koonfurta Ameerika, qaybo ka mid ah galbeedka Yurub oo ay ka mid tahay UK iyo waqooyiga Afrika. ...

Read More »

Wakhtiga La Qabanayo Shirka Golaha Dhexe Ee KULMIYE Oo La Shaaciyey Maanta

Hargeysa (Dhamays) – Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa Maanta shaaciyey in dabayaqaayada bisha labaad ee sannadkan la qabanayo Shirka lixaad ee Golaha dhexe ee Xisbigaasi. Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee KULMIYE, Xoghayaha Guud ee Xisbigaasi iyo Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbigaasi oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta KULMIYE ee Hargeysa, ayaa sheegay in 23-ka Bisha labaad ee sannadkan Magaalada Boorama ...

Read More »

Madaxweyne Biixi Oo Hadhimo-Sharafeed U Sameeyay 23 Suldaan Iyo 40 Chief Caaqil Oo Beesha GAR-XAJIS Ah

Hargeysa (Dhamays) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa hadhimo-sharafeed ku maamuusay salaadiinta, Cuqaasha, waxgaradka, haldoorka iyo siyaasiyiinta Somaliland qaar ka mida. Madasha hadhimada ah oo maanta  lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, isla markaana ay ujeeddadeedu daaranayd sidii madaxweynaha iyo qoorweynta beeshani isku xog-waraysanayeen ayaa waxa ...

Read More »

Somaliland: Golaha Wakiillada Oo Ansixiyey Odoroska Miisaaniyadda 2019-ka, Fasaxnay Galay

Hargeysa (Dhamays) – Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Maanta ansixiyey odoroska miisaaniyad-sannadeedka 2019-ka. Odoroska Miisaaniyad-sannadeedka 2019-ka ayaa dhan 2,334,320,463, 251 (Laba tiriliyan, saddex boqol Afar iyo soddon Bilyan, saddex boqol iyo labaatan milyan, Afar boqol iyo saddex iyo lixdan kun, laba boqol iyo kow iyo konton) Somaliland shilling oo u dhiganta 420 milyan oo dollar. Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland Kal-fadhiga ...

Read More »

Madaxweyne, Handaraabka La Sheegaa Waa Mid Ku Kooban Xafiiskaaga

Madaxweynaha Qaranka Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxaan u soo jeedinayaa Saddex qodob oo horumar u ah Maamul-wanaagga iyo wada-shaqaynta Hay’adaha Dawladda, waxayna kala yihiin:- Isbeddelka Xukuumadda aad hoggaamiyaha ka tahay kuma koobna Xubnaha aad Magacowdo ee kala ah, Wasiirka, Wasiir ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud, balse Isbeddelku wuxuu ka bilaabmaa Shaqaalaha, Madax-qaybeedyada oo la siiyo Tababbarro iyo wacyi-gelin ah ku ...

Read More »

Waxqabadka Sannadka 1-aad Ee Xukuumadda Somaliland (Q.1-aad)

Siyaasadda: Sannad ayey ku buuxdaa markii  tallada dalka ay  qabatay Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaana taariikhda u gashay Jamhuuriyadda Somaliland in xafladdii caleemo-saarka Madaxweynuhu uu xilka kula wareegayey 13kii December 2017kii, ay kulmisay saddex madaxweyne oo si dimuqraadi ah loo soo doortay oo xilka mid walba  si salmi ah u wareejiyey markay dhammaatay muddadii xil hayntiisu. Madaxweyne ...

Read More »