Askari Maraykan Ah Oo Lagu Dilay Soomaaliya, Laba La Dhaawacay Iyo Al-shabaab Oo Sheegatay

Soomaaliya (Dhamays) – Milatariga Mareykanka ayaa sheegaya in mid ka mid ah ciidamadooda khaaska ah lagu dilay gudaha Dalka Soomaaliya, labo kalena lagu dhaawacay xilli uu socday hawlgal ka dhan ah Kooxda Al-Shabaab.

Warbixin laga soo saaray taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in Askarigani uu ku dhintay meel qiyaastii 60 KM dhanka galbeed ka xiga magaalda Muqdisho.

Warbixintu waxaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ay caawinayeen ciidamada milatariga Soomaaliya oo hawlgal fulinayay.

Bishii la soo dhaafay ayaa tiro ciidamo ah oo Mareykan ah waxaa la geeyay gudaha Soomaaliya si ay u tababbaraan isla-markaana u qalabeeyaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM.

Inkastoo ciidamo yar oo ka tirsan kuwa la dagaalanka argagixisada ee Mareykanka ay ku sugnaayeen gudaha Soomaaliya, haddana Ciidamadan ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay oo Mareykan ah oo Soomaaliya la geeyo tan iyo sanadkii 1994, xilligaas oo halkaa Ciidammada Maraykanka lagaga dilay 18 Askari.

Dhanka kale, War ka soo baxay Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya ayaa sheegtay inay dagaalyahannadeedu dagaal la galeen Ciidammada Maraykanka ah ee Askarigu ka dhintay, labada kalena ka dhaawacmeen.

"Ciidamo Maraykan ah ayaa xalay weerar fashilmay ku soo qaaday Magaalada Daaru-Salaam ee Shabeellada Hoose, diyaarado ayay ku yimaaddeen kadibna dhulka ayay u soo degeen, Mujaahidiinta ayaa dhirbaaxo adag ku dhuftay waana la jebiyay” ayuu yidhi Afhayeenka Hawl-gallada Al-shabaab Cabdicasiis Abu Muscab.

Afhayeenka ciidanka Al-Shabaab oo la hadlayay idaacadda Andalus ee Afka kooxdaasi ku hadasha, ayaa isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Mujaahidiintu way la socdeen duullaanka cadawga, wayna u diyaargaroobeen, tiro ka tirsan cadawga ayaa halkaas ku dhimatay qaar kalena waa laga dhaawacay, hub iyo saanad ciidana waan ka qabsanay” .
 

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal