Aqalka Cad ee Maraykanka oo Taiwan iyo Somaliland ku amaanay xidhiidhka Cusub ee ay yeesheen

Hargeysa (Dhamays)- Xafiiska Aqalka Cad u qaabilsan arrimaha Amniga Qaranka maraykanka ayaa ammaanay galaangalka diblumaasiyadeed ee Tiawan ay ka bilowday Bariga Afrika gaar ahaan “Somaliland.”

“Waa guul laga gaadhay xidhiidhka diblumaasiyadeed ee naadirka ah kadib markii ay Taiwan xidhiidh la yeelatay gobolka madaxa bannaan ee Somaliland”, ayaa lagu qoray wakaaladda wararka ee Mareykanka ee Associated Press.

Xidhiidhka xun ee ka dhexeeya Shiinaha ayaa sababay in dowladnimo ay waydo Taiwan oo ah maamul dimuquraadi ah oo xidhiidh la leh illaa 15 dal oo keli ah, kamana tirsano qaramada midoobeey.

Sidoo kale inta badan hay’adaha caalamiga ah waxay xidhiidh toos ah la leeyihiin Xukuumadda Beijing oo keli ah.

“Waa muhiim in la arko Taiwan oo sare u qaadeysa shaqadeeda xidhiidhka Bariga Afrika, xilligan oo ay baahi badan jirto,” ayaa lagu qoray Twitter-ka Laanta Amniga Qaran ee Mareykanka.

“Taiwan waa saaxiib ku fiican caafimaadka, waxbarashada, iyo kaalmada farsamo, iyo waxyaabo kale oo badan!” ayaa ka mid ahaa wixii lagu qoray barta NSC.

Farriintaasi ayaa waxay daba socotay heshiiska dhowaan kala saxiixdeen Taiwan oo Shiinaha uu u aqoonsan yahay gobol dalkiisa ka tirsan iyo Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidoo kale, Farriinta dowladda Mareykanka ayaa ku soo beegmaysa kadib markii Shiinaha uu sheegay inuu diidan yahay xidhiidhka diblumaasiyadeed ee Taiwan iyo Somaliland.
Shiinaha wuxuu doonayaa in Taiwan ay militari ahaan hoos timaado maamulkiisa. Balse afti laga qaaday shacabka Taiwan waxay si aqlabiyad ah u diideen in siyaasad ahaan ay ula midoobaan Shiinaha.

Sidoo kale, dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa iyana ka soo hor jeesatay xidhiidkaas dhexmaray labada dhinac ee somaliland iyo taiwan.

Geesta kale Maxay tahay dowladda ay Somaliland xidhiidhka la yeelatay ee Taiwan?
Shiinaha ayaa Trump uga digay aqoonsiga Taiwan, Trump’na wuu aqbalay inuu tixgeliyo aragtida uu Shiinuhu ka qabo Taiwan.
Somaliland ayaa dhankeeda sheegtay in Soomaaliya ay ka go’day bishii May ee sannadkii 1991, kadib markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

In kastoo beesha caalamka ayna u aqoonsanayn Madaxbanaanideeda, haddana waxay sameysatay maamul u gaar ah oo shaqeynaya, lacag iyo hannaan amni oo ay u madaxbannaan tahay.
Heshiiska Taiwan iyo Somaliland oo lagu dhawaaqay 1-dii bishan July, ayaa dhigaya in wakiillo ay isu soo kala magacaabaan labada dhinac oo Hargeysa iyo Taipei kala fadhiisan doona.
Marka xafiisyada la furo, labada dhinac waxay ka wada shaqeyndoonaan arrimo ay ka mid yihiin Beeraha, macdan qodidda, kalluumeysiga, tamarta, caafimaadka, waxbarashada iyo horumarinta Macluumaadka Teknolojiyadda, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Taiwan Joseph.
Wuxuu intaa ku daray in “labada dowladood ay ku heshiiyeen billaabidda xidhiidhka ku saleysan saaxiibtinimo iyo wadaagidda qiyamka ay ka mideysan yihiin ee ah xuriyadda, dimuquraadiyadda, cadaaladda iyo sharciga iyo kala dambeynta”.


Wu iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Yasiin Maxamuud, ayaa wada saxiixay heshiiska laba geesoodka ah oo ka dhacay magaalada Taipei, bishii February ee sannadkan, sida ay warbaahinta Mareykanka qorayaan.

Taiwan waxay sannadkastaa bixisaa waxbarasho lacag la’aan ah oo ay siiso 3.9 milyan oo qof oo daafaha caalamka ka kala yimaada.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha, Zhao Lijian, ayaa sheegay in “dowladdiisa ay sii wadeyso xiriirka ay la leedahay Soomaaliya”.

Wuxuu Taiwan ku eedeeyay “dhibaateynta madaxbannaanida Soomaaliya iyo sharafta dhuleed”.
Mareykanka oo $620 milyan oo gantaallo difaac ah u ansixiyay Taiwan
Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, Dowladda Mareykanka ayaa ansixisay dhaqaale gaadhaya $620 milyan oo dollar oo lagu sii horumarinayo gantaallada dhulka ee Taiwan illaa kuwa circa, sida ay sheegtay waaxda arrimaha dibadda ee maamulka Donald Trump.
Waxay sheegtay in arrintan Mareykanka ay tahay mid lagula tacaalayo “halista sii kordheysa ee Shiinaha”.


Dowladda Mareykanka, sida dowlado kale oo badan, xiriir toos ah oo diblumaasiyadeed lama lahan Taiwan, balse waxaa sharci ku ah in maamulkaas dimuquraadiga ah ay difaacaan, waxkasta oo ay qaadato.
Shiinaha wuxuu inta badan ka soo horjeestaa in Mareykanka uu hub ka iibiyo Taiwan.
Taiwan waxay codsatay in hubkan casriga ah laga iibiyo “si ay u caawiso sii jiritaankeeda 30-ka sano ee soo socota,” ayey tidhi Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Wasaaradda Difaaca ee Taiwan waxay sheegtay in ay fileyso in hubkan ay hesho bisha soo socota.

Open chat
soo dhawoow walaal