Al-shabaab Oo Fagaare Ku Gowracday Afar Nin Oo Ay Ku Eedaysay Basaasnimo

Jamaame (Dhamays) – Maxkamad Kooxda Al-shabaab ku leedahay Magaalada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose ee Dalka Soomaaliya, ayaa Xukun Dil ah ku fulisay Afar Nin oo Soomaali ah, kuwaasi oo Warbaahinta Al-shabaab sheegtay in lagu helay inay ahaayeen Basaasiin u shaqeeya Hay’adaha Sirdoonka ee Dalalka Kenya, Maraykanka iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Warbaahinta Al-shabaab, ayaa soo tabisay in Afarta Ragga ah ee Xukunka lagu fuliyey ay qaarkood qaabilsanaayeen waxa Warbaahinta Al-shabaab ugu yeedhay maleegidda shirqoollo lagu khaarijiyay saraakiil ka tirsan xarakada Al- Shabaab iyo shirqoollo kale oo dhammaantood lid ku ahaa Al-shabaab, waxay sheegeen in qaarkood ay toos ula shaqeynayeen Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee loo yaqaanno CIA.

Warbahahinta Al-shabaab oo soo xiganaysa Maxkamadda xukuntay Afarta Qof isla-markaana ku fulisay, ayaa sheegay in Siyaad Cali Cabdi oo 26 sano jir ah uu u shaqeynayay Hay'adda CIA-da Mareykanka, kuna lug-lahaa duqeymo ay diyaaradaha Mareykanku ka geysteen deegaanka Qoob-Yaxaas ee gobolka Hiiraan iyo Hawl-gallo lagu khaarajiyey Saraakiil ka Al-shabaab, kuwaasi oo ay ka xuseen inuu ka mid ahaa Sheekh Maxamed Dulyadeyn.

Dadka xukunka lagu fuliyey, ayaa waxa mid ah Axmed Ibraahiim oo 28 sano jir ah, kaasi oo la sheegay inuu muddo ka badan 6 sanadood-na xidhiidh la lahaa Dowladda Kenya, diyaaradaha Dagaalkana ku soo hagay bartilmaameedyo ay ku sugnaayeen Ciidammada Al-shabaab.

Waxa kale oo ka mid ahaa Ragga xukunka lagu fuliyey Yuusuf Makaraan Maxamed oo 58 sana jir ahaa, kaasi oo Warbaahinta Al-shabaab sheegtay inuu la shaqeynayey Sirdoonka Mareykanka ee CIA, kaasi oo ay tilmaameen inuu qaabilsanaa shaqaaleysiinta Basaasiin u shaqeeya CIA-da.

Ragga Xukunka Dilka ah lagu fuliyey waxa kale oo ka mid ahaa Cabdillaahi Cumar Xasan oo 26 sano jir, waxaana la sheegay in lagu helay dambi ah inuu uu howl basaasnimo u hayay Sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa iyadu baahisay in Raggan xukunka lagu fuliyey dilkooda loo adeegsaday qaab Argagax leh oo la Gow-gowracay.

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal