Xoghayihii Arrimaha Dibedda Ee WADDANI Oo Is-casishay

Hargeysa (Dhamays) – Xoghayihii Arrimaha dibedda ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Marwo Faadumo Siciid ayaa Maanta shaacisay inay iska casishay Xilkii iyo Xubinnimadii Xisbigaas.

Marwo Faadumo Siciid oo Saxaafadda kula hadashay Gurigeeda Hargeysa ayaa sheegtay in sababta ay isku casishay tahay inay Xisbiga WADDANI ka waydey Mucaaradaddii ay ka filaysay isla-markaana ku qanci wayday siyaasaddiisa “Maanta waxaan iska casilay xilkii aan u hayey Xisbiga WADDANI iyo Xubin-nimadiiba..” ayay tidhi, Marwo Faadumo Siciid, waxayna intaa ku dartay “Waxaan arkay Marxaladdan uu Waddanku ku jiro sidii loo  baahnaa in loo waajaho in aynaan u waajahayn.”

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.