Ajaanib La Sheegay In Ay Caqabad Ku Yihiin Iibka Xab-kaha Beenyada ee Somaliland

Hargeysa (Dhamays) – Dadka ka Shaqeysta Beerista iyo iibinta Beenyada ee ku dhaqan Gobolka Sanaag ee Somaliland, ayaa wer-wer ka muujiyey waxa noloshooda ku dhici kara haddii la joojiyo iib-geynta Beenyada.

 

Wer-werka Dadkani ka qabaan in laga joojiyo inay iibiyaan Beenyada u soo go’da, ayaa timid ka dib, markii Haweenay Ajaanib ah oo lagu Magacaabo Anjanette Decarlo isla-markaana Cil-baadhis ku samaysa deegaanku Safar ku tagtay deegaannada Gobolka Sanaag ee Beenyada laga guro, ka dibna ay ka diyaarisay Barnaamij Muuqaal ah oo ay Adduunka ugu sheegayso in Dhirta laga guro Beenyadu khatar ugu jiraan inay Dabar Go’aan, sidaa darteedna loo baahan yahay in Muddo Laba sannadood ah la joojiyo Guridda Beenyada iyo iibinteedaba.

 

“Cilmi-baadhis aanu samaynay waxaanu ku ogaanay in Qiimaha lagu kala iibsado Beenyada oo aad u sareeya awgeed, Beenyada aad looga soo guro Dhirka, taasina waxay hoos u dhigtay Tayadii Beenyada iyo in Dhirta Beenyadu Dhintaan.” Sidaa waxa Barnaamijka Dhukumantariga ah ku sheegtay Anjanette Decarlo, waxayna intaa ku dartay oo ay Ganacsatada Beenyada u soo jeedisay in Laba Sannadood la joojiyo soo guridda Beenyada.

 

Laakiin, Ganacsatada Beenyada ka shaqeysta, ayaa sheegay in Gabadhan oo u dhalatay Dalka Maraykanku aanay daacad ka ahayn Barnaamijka ay wax kaga sheegayso Fayo-qabka Dhirta Beenyada, balse ay Caqabad ku noqotay Shirkadihii Shisheeye ee iibsan jiray Beenyada, “Marka Beenyada la hakiyo ayaa Dadka wax la siinayaa ayay tidhi, dabadeedna Beenyadii soo Go’day oo Taalla ayay tidhi yaan la iibin, waxayna tidhi Annagaa Dadka u hayna Mashaariic.” Ayuu yidhi, mid ka mid ah Ganacsatada Beenyada oo Arrintan ka hadlay, waxaanu intaa sii raaciyey in Anjanette Decarlo ay warkeed ah in la joojiyo guridda Beenyada uu gaadhay Wasaaradda deegaanka, laakiin Cilm-baadhayaal Maxaliya oo soo eegay Dhulka Beenyadu ka baxdo ay soo Xaqiijiyeen inaan Dhirtu wax dhibaato ah qabin, sidaasi awgeedna aanay jirin Sabab loo hakiyo soo guridda iyo iibka Beenyada.

 

Muwaadinkan ka midka ah Ganacsatada Beenyadu wuxuu sheegay in Dhirta laga guro Beenyada ay yihiin Hanti la kala dhaxlo oo Muhiim ah, sidaa awgeedna ay Dadku daryeelaan, “Beenyada Dadka leh ayaa ilaashada.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in aanay waxba ka jirin in Sannadkii dhowr jeer Beenyada laga guro Dhirka ay ka baxdo, “Meydiga waxa la guraa Jiilaalka, Muxurkana waxa la guraa Xilliga lagu jiro Xagaaga…”

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal