Afrika: Madaxweyne Ku Faanay Inaanu Weligii Xanuunsanin

Kampala (Dhamays) Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Musavani oo sii gaboobaya ayaa sheegay in aanu weligii xanuunsanin intii uuMmadaxweynaha ahaa.

"Weligaa miyaad maqashay Musaveni ayaa xanuunsaday oo Cisbtitaal yaalla, 31kii sano ee la soo dhaafay? Maxaa yeelay waxaan raacaa xeelado caafimaad, taas oo ugu dambeystii caawiso ka hor tagga cuduradaas. Qeyb badan oo cuduradaas ka mid ah waa laga hor tagi karaa". Ayuu yidhi, Madaxweynaha Dalka Uganda.

Hadalkan ayaa dad badan ula muuqda mid layaab ah, marka la eego tirada Madaxweynayaasha ee xanuunsaday sanadkan oo kaliya.

Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa muddo dheer London u jooga daweynta xanuun aan nuuciisa wali la shaacin.

Madaxweynayaasha Angola, Zimbabwe, Benin iyo Algeria ayaa safarro caafimaad ugu baxay dalka dibaddiisa sanadkii la soo dhaafay.

Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe oo talada dalkaasi qabtay 1980kii ayay mucaaradku ku dhaliilaan in uu dalka ka maamulo "Sariirtiisa Cisbitaalka dusheeda", kadib markuu saddex jeer uu safar caafimaad ku tagay dalka Singapore, sanadkan oo kaliya.

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

Open chat
soo dhawoow walaal