“Aduunka Iyo Aakhiro Meesha Madaxtinnimada Ugu Fiican Laga Helo Waa Waxyiga”Sheekh Dirir.

Hargeysa(Dhamays)-Sh Muxummad Sh Cumar Dirir ayaa bulshada ugu baaqay in madaxtinnimada aduunka iyo aakhiro qofka doonaya quraanka ehelkiisa noqdo.

Khudbadii jimcaha maanta oo Sh Muxummad kaga hadlay muhiimada Quraanka ayaa yidhi, “Walaalayaal usbuucan waxaynu dhegeysannaynay iyadoo kalaamka Alle la weynnaynayo, oo kulliyado Quraan ah loo furay, tartanno aad u qurux baddana loo sameeyey 20 siyood oo quraan loo akhriyo xifdigiisa ah, waxaynu markaa dhiirigelinaynaa kalaamka Ilaahay innaynu la noolaano, fadligiisana ka faa’iidaysanno. Aadaabta Quraanka Ilaahay SW lagula noolaanayo-na wax iska xusuusinno.

Sheekh Muxummad oo ka hadlayey fadliga Quraanka ayaa sheegay in ummad walba Ilaahay SW u jirto inta Kalaamka Alle u jiraan, Quraanku mid aynu ka maarmayno maaha, hadii lagga maarmayo ilaahay SW Ayaan soo dejiyeen, oo caalamka loo keenay baahi bani’aadamku u baahan yahay, hadii ay tahay caqligooda, iyo noloshoodaba.

Maalinta Qiyaamaha waxyaalaha bani’aadamku ugu baahi badan yahay wax aka mid ah cid u ergeysa, arrimahu marka ay adkaadaan, cid Ilaahay SW uga ergeysa ayey aad ugu baahan yihiin. cid ergo u gasha adoonka waxa ugu fiican kalaamka Ilaahay SW. markaa ciddii ehlu quraan ah, ee qadariya, xaqiisana siiya, Quraanku wuu u shafeeco qaadayaa maalinta qiyaamaha. Imaamu Muslim waxuu saxiixiisa ku soo weriyey, “Nebigu CSW waxuu yidhi Quraanka akhriya, waxuu Quraanku imanaya maalinta qiyaame isagoo u ergeynaya ciddii saaxiibka la ahayd” dhibka, naaraha iyo duruufta haysata uga ergeynaya.

Dadka quraanka aduunyada ehelka u ah, weyneeya, xaqiisa siiya, ku dhaqma,maalinta qiyaamaha iyagaa ehel u ah. Muslim waxuu ka werinayaa “Rasuulku CSW waxuu yidhi maalinta qiyaame Ilaahay SW waxuu keenayaa Quraanka iyo ehelkiisa” ehelkii wuu tilmaamay Nebigu CSW waa dadkii ku dhaqmi jiray ee nidaamka iyo xukunka uu u ahaa, eek u camal fali jiray. Arrintaasi aad ayey muhiim u tahay, in quraanka la iska sheegto, la iska barakaysto keliya maaha, laakiin, waxuu ilaahay SW u soo dejiyey inuu noqdo nidaamkii dadkan saxi lahaa, ee hagi lahaa, caam iyo khaas-ba. Waxaa hogaaminaya ayuu Nebigu CSW yidhi Suuratul-Baqara & Al Cimraan, qofkii saaxiibkiisa ahaa ayey u doodayaan, qofkii quraanku u doodana iilan mayo.

Quraankii qofkii yar ama weyn, taytalkuu doono, ama magacuu doono  ha sito, qofka quraanka had iyo jeer ku dedaala, hadday tahay baridiisa, barashadiisa, kor-u-qaadistiisa, iyo maalgelintiisa-ba waxuu noqonayaa ummada qofka ugu kheyrka badan, qof walba wuu jecel yahay dadka qofka ugu kheyrka badan ee ugu mudan inuu noqdo. Saxiixa Bukhaari waxa ku sugan xadiis Nebigu CSW yidhi, “Dadkiina oo dhan waxa idiinku kheyr badan qofka quraanka baranaya ee baraya” quraanka lagama weynaado ee waa lagu weynaadaa. Khalad baynu fahamnay quraanka inaynu caruurta keliya u dhigno oo ku ilaalinno innagoo aan waxba ka garanayn, laakiin qofka weyn ayaa uga baahi badan quraanka caruurta.

Sheekh Muxummad oo ka hadlayey faa’iidada quraanka ayaa sheegay in quraanku yahay meelaha ugu badan ee fadliga iyo ajarka aynu u ordeyno laga biiriyo, sida adaraadeed ayuu Nebigu CSW u bishaareeyey qofkii in yar ka yaqaana quraanka, xadiis Tarmiidi werinayo “Qofkii akhriya xaraf quraanka ka mid ah toban ajri ayuu leeyahay, ma odhanaya ergeyga ALM xaraf keliya ee waa saddex xaraf” markaa qof walba waa inuu ka faa’iidaystaa oo fursadaa inuu lumiyo maaha, oo ku cibadaystaa.

Quraanka waxa ku jira wax dalka iyo dadkuba ku camirmaan, dadku khalad ayey badankoodu fahamsan yihiin in qalab, laydhadh camiraan dalka, laakiin, Rasuulku CSW waxuu dadka u tilmaamayaa inuu ugu fiican yahay in lagu camiro quraanka kariimka. Nebigu CSW waxuu xadiis ku xusay, “Qofkii qalbigiisa aanu quraan ku jirin oo waxba aan ka xafidsannayn, waxuu ka mid yahay gurri kharaabad ah” taasoo Nebigu CSW innagu baraarujinayo in qofku da’duu doono ha joogee quraanka la noolaado, oo aanu ka qaddin.

Sheekh Muxummad ayaa sheegay in derejada dadku u waasheen laga helo quraanka Ilaahay SW, isagoo yidhi,

“Aduunka iyo aakhiro meesha madaxtinnimada ugu fiican laga helo waa waxyiga. Waxuu Nebigu CSW inoo tilmaamay xadiis kale “Maalinta qiyaame marku jannada galo qofka quraanka yaqaana, waxuu ilaahay SW ku odhanayaa quraanka akhri, oo qurxi oo si tajwiidsan u akhri derejadaadu waxay gaadhaysaa halka aad kolba akhrinta gaadhsiiso,” adigaa isu haya, markaad quraanka sii akhridaba derejadaad biirsanaysaa, taasu waa aakhiro, aduunyadana waa sidaa oo kale, salafkii iyo khulafadeedii hore, Nebiga CSW ka sokow, waxa qofka lagu qiimayn jiray oo lagu qadarin jiran quraanka halkuu ka gaadhsiisan yahay, xifdigiisa iyo aqoontiisa. Cumar binu Khadaab RC ehlu-quraanka ayuu marwalba soo dhoweyn jiray oo madaxtooyadiisa ku dhowaan jiray, dhalinyaro, gadh-madoobe ama odeyaal, waxay ku weynaadeen oo madax ku noqdeen quraanka kariimka, sidaa darteed madaxdii uu gobolada u magacaabay wax aka mid ahaa Naafic ibnu Xaaris, wakhti waxuu ahaa gudoomiyahii gobolka Maka, Madiina ayuu ugu yimi Cumar binu Khadaab markaa ayuu weydiiyey cidduu kaga yimi gobolkii? Markaa ayuu yidhi Craxmaan ibnu absaa, oo maxuu ahaa ayuu yidhi,? Dadkii la xoreeyey? Oo ma nin la xoreeyey imika oo adoon ahaa ayaad u dhiibtay? Haa oo Quraankana wuu yaqaanaa, cilmiga dhaxalkana wuu yaqaanaa, haddaa ehel ayuu u yahay ayuu Cumar binu Khadaab ku yidhi. Xadiis ayuu soo qaatay Nebigu CSW ku yidhi, “Kitaabkan dad ayuu Ilaahay SW kor ugu qaadayaa, markii hore hoos loo eegi jiray, qaarna hoos ayuu ugu dhigayaa, dadku moodayaan inay sarreeyeen” madaxtinnimada aduunka iyo aakhiro qofka quraanka ehelka u ah ayaa helaya. Derejada waa in laga dayaa halkii Nebiga CSw iyo saxaabadu ku tilmaameen.

Sheekh Muxummad ayaa sheegay in aduunyada wakhtigan qof walba u ordayo degenaansho, raaxo iyo nolol fiican oo lagu nasto, taasina quraanka ayey ku jirtaa qofkii ilaahay garansiiyo. Qofku markuu akhriyo quraanka Ilaahay SW degenaansho iyo xasilooni ayuu ku helaa, sida uu quraanka inoogu caddeeyey. Quraanku quluubta ayuu la hadlaa oo soo qabtaa, sida adaraadeed insiga iska daayoo, jinku markuu dhegeystay quraankii Nebigu CSw akhrinayey, wuu qabtay, waanu qanciyey, oo caqiidadii saliimka ahayd ayey qaateen, suuratul Quluuxiya ayuu Ilaahay SW kaga hadlay. “tolkayow waxaanu maqalay quraan la akhrinayo oo cajiib ah oo dadka hanuunkii aynu doonaynay ku jihaynaya, waanu raacnay, Ilaahayna SW wax kale oon la caabudeynaa ma jirto”

Sheekh Muxummad ayaa sheegay in dawada dadku raadinayaan ee jidhka iyo ruuxda, ilayn qofku labadaa ayuu ka kooban yahee, waxay ku jirtaa quraanka, waxii aad dareentaba ku bilow quraanka. Sida Ilaahay SW waxyiga ugu caddeeyey, “Quraanka waxaan soo dejiyey isagoo caafimaad iyo naxariis ah, qofka rummaysan, laakiin dadka quraanka ku xadgudbaya uma kordhiyo khasaare mooyee,”

Sheekh Muxummad ayaa bulshada uga digay inay ka tagaan quraanka, haa waa la baranayaa, tajwiidkiisa, akhriskiisa, laakiin maaha dastuurka aynu isticmaalno, dawladeena ma yaalo, maxmakadaheena ma yaalo, qabiiladeena ma yaalo, shirkadaheena iyo qoysaskeenana ma yaalo, laakiin qoddobo kale iyo xeerar kale ayaa yaala marka aynaan been sheegayn, markaa arrinka u wanaagsan, sida Nebigu CSW sheegay “Kuwa ku dhaqmaya, ayaa ehel u noqonaya” ku dhaqankaa ayaa Ilaahay SW ugu tallo galay, hadii kale cabashadii Nebiga CSW ayaa innagu rumoobaysa inoo soo gudbiyey in Ilaahay SW yidhi, “Rabigayow ummadaydii quraankii waxay ka dhigeen mid ay ka tageen” oo noloshooda aan saxxayn, oo aanay ku dhaqmayn, markaa cabashada waxa lagaga bixi karaa in quraanka la rumeeyo oo la barto, oo lagu camal falo, lagu cibaadaysto oo la isku daaweeyo. Shantaa siyaabood oo quraanka loogu dhaqmo ayaa lagaga badbaadi karaa ka tegidaa Nebigu CSW ka digay, taa ayeynu isku waanineynaa, is xusuusinaynaa, si aynu guusha aduunka iyo aakhiro u helo, Idam Alle, aamiin.

Open chat
soo dhawoow walaal